|
|
|
Khatforebyggelse Projekt |
| |
|
|
|
|
| |
|
|
|
|
|
|
|
|
H AB |
Geedka qaadka: Geedka qaadka waxuu badanaa ka baxaa bariga afrika iyo dhinaca koonfureed ee wadamada carbta (yaman) geedkaan waxay dadku cunaan marka uu fresh-ka yahay, waxaa fresh loo yaqaanaa 48 saacadood, laga soo bilaabo marka uu beerta ka soo go,o. xiligaas ka dib waxaa yaraada marqaanka waxa loo yaqaan, marqaanku waxa uu yimaadaa marka ay maadooyinka ku jira qaadku ayjirja si fiican ula falgalaan, maadooyinkaas oo
Soomaalida iyo Qaadka: Ruugida qaadku waxay caadi ka noqotay nolol maalmeedka soomaali badan oo ku nool Debeda iyo gudaha soomaaliya, Waxii ka horeeyey dagaalkii sokeeye ee ka dhacay Soomaalya 1991-kii ruugida qaadka waxaa badanaa ragawaawayn, gaar ahaan darawaliinta, waxaan badanaa la arki jirin dhalin yaro kayar 20 sano, kuwaas oo hada maalinba maalinta ka danbaysa soo badanaya kana tegay waxbarashadii iyo shaqadiiba, iyagoo ugu danbayntii ku danbeeyey goobaha qaadka, dhalin yaradaasi magaranayaan inta ay la,egtahay waxyeelada qaadku, dhib uma arkaan ruugida qaadka, waayo waxaysan jaanis u helin wacyi gelin iyo digniin ku filan. Dhibaatooyinka Bulsho ee Qaadka: Dhibaatooyinka bulsho ee qaadku leeyahay waa kuwo aan la soo koobi karin , qaadku waa daraag aad iyo aad u Guud ahaan wadamada beera iyo kuwa cunaba waxaa ku dhacay economic depression wax la yiraahdo, waxayna ku jiraan dagaalo iyo conflict joogta ah, waxaa wadamadaa ka mida Soomaaliya oo uu qaadku gaarsiiyey meeshii ugu xumayd, oo ah inuu qarankii baabiyey,( failled state), oo uu qaadku runtii la dhihi karo waa asalka dhiaatooyinka maanta soomaalida haysta, qayb wayn buu ka qaatay, burburkii qarankii soomaliyeed. markaad dhankastaba ka eegtid, waxaa kuu soo baxaya, in jaadku yahay kansar ku jira dhaqanka soomalida, oo ruuxii iyo garashadiiba ka qaaday dhaliyarda soomaalida . Hadaaan eegno soomalida dibada u soo baxday,ee reer galbeedka ku nool, wuxuu qaadku u soo raacay qurbaha, wuxuuna inta badan masuul ka yahay sawirka xun iyo gunimada ay soomaalidu ku degan tahay reer Galbeedka, wuxuuna qatar galiyey wada noolaanshaha soomalida iyo umadaha kale eey la noolyihiin. Hadad eegtid dhinaca shaqada, waxay soomalidu caan ku noqotay dadaal la,aan iyo mashaqaysta nimo, dhalinyarada soomalidana sida ay qaadka u kala badsadaan, ayey shaqala,aantu ugu kala badan tahay, waayo nin habeenkii oo dhan soo jeedey inuu shaqadiisa ka soo baxo waa ku adkaaneysaa. Dhinaca waxabarashada hadaad eegto, waaxaa dhalinyarada soomalida ku dhacay wax loo yaqaan ”social arv” oo wiil kastaaba markuu soo kaco, ayuu ku dayanayaa raga ka waaweyn, markaa suu u fariisanayaa qaad halkaana waxbarashadii ku luminayaa. Dhinaca bulshada (burbur qoys) Familo badan ayaa ku burburay, dhibaato uu qaadku sababay, hooyadii oo ciyaalkii ku cidlootay, shaqada gururiga oo aan lala qaybsan, wehelkii caruurta iyo hooyada oo maqan iyo dhibaatooyin dhaqaale intuba waxay keeneen, isfahan la,aan iyo furiin aakhirkii. dhaqaalexumo, caafimaad xumo, burbur qoys, kiriminal u hor istaago mustaqbalka dhalinyarada dhinaca waxbarasho iyo shaqadaba. SAAMEYNTA AY CUNIDA QAADKU KU YEELAN KARTO NOLOSHA BULSHADA Qalinkii :Abdullah Gulled DULMAR
Dhinaca kale waxaa lagu xisaabtamayaa awooda shaqsiga oo lagu tilmaamo in uu awood u leeyahay in uu wax uun ku saa’idiyo bulshada uu ku nool yahay, hadeey ahaan laheyd, Dhinaca Shaqada, Dhinaca Dhaqanka, Dhinaca Diinta, Iwm. Hadaba mar hadii horumarku uu ku imaan karo ka maarmi la’aanta awooda shaqsigu u leeyahay in uu dhaqaajiyo nolosha bulshada una dhaqaajiyo dhinaca Possitive Retningen, waxaa is weydiin leh, maxaa dhici kara hadii kaalintaa laga waayo shaqsigii ay bulshadu ku xisaabtameeysay in uu howsha dhinaciisa ka hayo? Waa su’aal dhinacyo badan taabaneeysa, balse waxaa is weeydiin leh qofka baahida noocaas ah loo qabo, waxa ka hortaagan in uu kaalinta laga sugayo kasoo baxo. Dabcan waxaa jira caqabado badan oo ay kamid tahay xanuun jismiyan ama caqliyan ah, naafo iwm, Waana waxyaabo la fahmi karo oo meel looga haro leh. Qofka caafimaadkiisu buuxo, misna isaga isku beera dhibaato marka naftiisa laga reebo in badan oo dadka ku dhaw dhaw iyo bulshada inteeda kale saameeyneysa, ayaa ah wax u baahan in la isla garto in ay dhib nagu tahay bulsho ahaan iyo in tahay nolol gaar ah ”private” Cunida Khatka waxaa inta badan lagu xasuustaa wadamo Somaliya Deris la ah oo ay kamid yihiin Kenya Ethiopia iyo Yemen, hase ahaatee wadamadan waxaa ay somaliya ugu soo dhoofiyeen Khatka siyaabo kala duwan oo la oran karo waxaa ay leeyihiin qiimeyn gaar ah. Wadamada Kenya iyo Ethiopia waxaa ay somaliya soo geliyaan cadad khat ah oo tiradiisu ay salka ku heyso hadba bulshada inta cunta khatka inta ay le’egtahay, meelaha somalida sida ba’an ugu sahashay cunidiisana waxaa ugu horeeya wadanka yemen, oo ah wadan somaliya wax badan ay wadaagaan. Yemen waa Somaliya marka laga eego dhinac walba, xaga diinta, nolosha qoyska iyo hab deegaankooda oo qolo qolo ku saleeysan. Dhulka waqooyiga Somalia oo ah meel inta badan ganacsigiisu uu ku xirnaa yemen ayaa ah meelaha laga soo galay Somalida, maadaama cunida khatku uu ka yahay dhulkaa mid dabiici ah oo aanan ceebeysneyn. Dadka u dhoofi jiray wadanka Yemen ayaa iyagu ahaa kuwo ganacsato u badan, oo raaci jirey dooni mudo bada kusii jiri jirtay, waxaana ay keentay in ay ula soo noqdaan cunida khatka Somaliya iyaga oo u arka mid sahleysa socdalkooda dheer, waqtigana uga dhigeysa mid farxad leh oo aanan ciriiri iyo caajisba laheyn. Khaatka waxaa asal ahaan uu ka yimid caleen laga helay wadanka Yemen oo Qofka isticmaala khaatka waxaa celcelis ahaan lagu cabiraa in uu isticmaali karo 1kg oo khat ah maalinkiiba una dhiganta qiyaas 100-150 Dkk marka la raacsho waxyabaha lagu isticmaalo fadhiga khaatka oo la’aantood ay adagtahay in lagu kifaaxo cunidiisa, taas oo walwal keeni karta marka laga hadlayo qiimo dhaca ay u yeeli karto jiritanka qofka, iyo kamid ahaanshaha uu ka mid ahaan lahaa bulshada ku xisaabtameysa caqligiisa iyo jirkiisaba. Ruugida Khaatka waa howl u baahan, amaba leh nidaam u gaar ah, oo ah in wadajir lagu cuno, lana helo ugu yaraan 2 iyo wixii ka badan, si loo helo hadal wadaag, iyo is wehesasho la iska weheshanayo bulshada inteeda kale ee aanan isticmaalin khaatka. Inta badan is uruursigan ayaa keena in dadku ay ku muujiyaan si wadajir ah oo weliba isu jiibin ah in ay dareenka ay ka qaban howlkastaa oo markaa wax ka dhihid u baahan. Qofka ka mid noqda bulshadan yar ee ruugida khaatka isu biirsatay, waxaa uu dareemayaa cidlo inta badan waqtigiisa, waxaana ka muuqda hamaansi iyo daal, taas oo ay u sababtahay in ruugida khaatku ay bilaabato xilli gooni ah, ayna ku adagtahay qofka ruuga khaatka in uu waqtiga intiisa kale is mashquuliyo. Qalbiga ama niyada qofka cuna qaadka ayaa inta badan laga dareemaa furfurnaansho marka uu soo dhawaado xilliga dadkan ruuga khaatka ay heli lahaayeen khaat maalmeedkooda. Waxaa ay kaga duwan yihiin dadka intiisa kale, iyaga oo waqtiga farxadoodu ay bilaabato ay tahay 15:00 iyo wixii ka dambeeya, inta badana iska wareesta xilliga ay wax soogalayaan, iyo qiimaha uu saacadaasi marayo iibsiga khaatka. Waa asxaab si gaar ah isaga war heysa, iskuna xiran, goobaha bulshada ka wada dhaxeeysana jecel in ay ku yeeshaan meel u gaara, oo iyaga oo keli ah lagu yaqaan. Waxaa waqtiga intiisa badan ay ku mashquulaan cayaarta Turubka, Dubnada, Jarta Iwm. Mida ugu weyn ee dadka ruuga khaatka looga la’yahay goobaha waxbarasho, ama shaqo ayaa ah mid ku taxaluqda, xilliga “ay nool yihiin” oo ka duwan bulshada inteeda kale, taas oo ay macnaheedu tahay, waqtiga noolaha loogu talagalay in uu wax qabsado oo ayan awoodin daal sababtiisu ay tahay soo jeed badan, oo wata fadhi iyo nalal dushooda ka daaran saacado badan iyo hawada ay ku dhexjiraan oo ah mid caburineysa. Dadka noocaan ah, waxaa inta badan lagu tiriyaa Narkoman, ama qof daraagis u ba’ay, oo ay adagtahay in si sahlan loo caawiyo, hadaan si kale u iraahdana waxaa ay ka hoos mareen standardka laga rabo qofka nool in uu bulshada kaga mid ahaado, lana yimaado, waxwalba oo qof qeyrkiis ah laga heli karo. Waxa bulshada aanu ka hadleyno ee ah kuwa ruugida khaatka isu baheeystay ay inta badan iska dhega tiraan in; 1 kg khat waxuu u dhigmaa qiyaas 0,08g amfetamin 10 kg khat waxuu u dhigmaa qiyaas 0,8g amfetamin 1 kg khat waxuu u dhimaa qiyaas 8,0g amfetami
Waxaa inta badan wel wel leh saameynta ay dadkani ku yeelan karaan dhalaanka somaliyeed hadaanan la hor istaagin, oo dhibka ay geeysankaraan la wada tilmaamin. Iyada oo laga duulayo in ruugiga khaatku uusan noqon caalam nalagu garto. ►ARIMAHA QOYSKA
Inta badan luggooyada ay isticmaalayaashu naftooda ku hayaan, waxaa ay saameeyn dhaw iyo dambeba ku yeelataa qoysaska ay kasoo jeedaan, marka laga reebo tan naftooda heysata.Hadii qofka ruuga khaatka uu yahay mid xaas ah oo reer u dhisan yahay, waxaa inta badan dhacda in nolosha gurigaasi ka jirtaa ay tahay mid bur bru qarka u saaran, sababtuna waxaa ay tahay
► Kaalintii laga filayey ruugaha oo meesha ka baxday dhinac kasta, mas’uuliyadii labo qof saarneydna ay dusha ka wada fuushay hal qof oo keli ah habeen iyo maalinba. ► Dabci xumada iyo daalka ruugaha haya oo dabeecadii xaas macaan laga rebay xumaan iyo is afdhaaf u badaleeysa noloshii guriga, oo lagaba yaabo in inta badan ubad koriimo suuban sugaya ay meesha joogaan ► Dhaqaalaha reerka oo si xawli ah hoos ugu dhaca, sababana in daryeel iyo maslaxo reereerd ay meesha ka baxdo, noloshii qoyskii dhisnaana ay isu badasho qaade”qofka khaatka ruuga oo lacag intaa raadinaya” iyo qarshe”oo miisaniyadii qoyska ay walwal ku heyso xafidieedana ku mashquulsan” Hadiiba qofka laga hadlayo uu yahay mid guri u dhisan yahay, meeshana ilmo u joogaan, waxaa lumaya aqlaaqdii qoyska laga filayey in ay ubadkooda ku barbaariyaan, iyo raxmadii laga filayey in dhexdooda timaado, maadaama midna guri keligii dhex fadhiyo kii kalana ku mashquulsan yahay ruugidda khaatka.Hadii Ilmo meesha joogaan, waxaa badanaa dhacda in la arko iyaga oo dayac dartii banaanka wareegaya waqti haboon iyo mid aanan habooneeynba, sababtuna waa ilmo wadajir baa lagu koriyaa oo meesha ka baxday, ama karaamadii qoyska oo xumaatay.
Inta badan qooyska uu qofka qayila ka tirsan yahay, waxaa marka iyaga laga tago ay dibeda gurigooda ku yeeshaan hadalheyn, iyo magac xumo maxa yeelay waxaa muuqanaya dulduleelo badan oo aanan bulshada ay ku abtirsadaan farxad galineeynin, waxaana qatar ay ugu jiraan in ilmahoodu gacanta u galaan qoysas kale, hadii ay ku nool yihiin meelo awlaadu ay xuquuq gaar ah ku leeyihiin, hadii kalena ay faldambiyeed ku mashquulaan, si ay waxyaabihii ay u baahnaayeen usoo xadaan, inleyn kaalintii waalidka ee daryeelka ayaa meesha ka maqan. Hadii qofka khaatka ruuga uu yahay mid aanan weli guursan, waxaa iyana ay sababi kartaa in uu gacanta u galo qof isaguba qaadka cuna, maadaama enviromentiga uu ku jiro uu yahay mid xadidaad gaar ah ku haya cida uu la hadli karo, iyo meesha uu guur ugu hamiyo karo in uu udoonto. Qofka noocaan ah waxaa uu ka khatar badan yahay qoyska ka kooban mid khaatka cuna iyo mid aanan cunin, sababtuna waxaa weeyey, iyada oo labadii qof ee is qabay uu mid u fiyoowyahay reerka, halka labada wada qayisha ay isla tuuris yihiin. Waxaa badanaa labada qof ee is qaba isla markaana wada qayila ay isku hayaan dhaqaale sida qoyska kale ee aan sare kusoo xusnay, balse waxaa ay dheer yihiin in kharashkii hal qof ku bixi lahaa uu labada wada qayisha ku baxayo labo jibaar, taas ayaan sababeeysa in ay mar walbaa ka labo khasaaro badan yihiin qoys hal qof uu ka qayilo, marka loo fiiriyo xaga bulshada sare ee ay ku abtirsadaana, waxaa looga talagalaa in ay yihiin qoys dumay kal hore, iyada oo dhici karta in ay jirto duruufo kale oo isku haya. Qoyska noocaan ah waxaa ilamaha ay dhalaan ay noqdaan kuwo ka dhaxla waalidkood nolol Negative ah, oo haba yaraatee ilamaha ay dhalaan aan wax mustaqbal ah ku simeeyn, Allah oo badbaadsho mooyee, waana wax bulsho guud ahaan wel wel galin kara. ►DHINACA FALDAMBIYEEDYADA
Wadamo badan oo kamid ah galbeedka Yurub ayaa ku dooda in waxyaabaha maskaxda dooriya oo loo fasaxo dadka heerka qatarta ah gaaray ay dhimi/yareeyn karto faldambiyeedyada dhaca, oo loo arko in ay yihiin kuwo sababtoodu ay keento labadan arimood ee hoos ku qoran. ► Arimo xagga bulshada ah ► Arimo xagga dhaqaalaha ah Labadan qodob oo meelo badan oo qoraalkan ah ku xusan awgood ayaa waxaa xusid mudan in aanu sharaxno habkee lagu qiimeeyaa qofka u baahan in drugs-ka loo fasaxo, uuna kasoo qaato goobaha daawooyinka lagu gado, markastaa iyo cadad u go’an. Arintaan ayaa looga kala hadlay siyaabo kala duwan, iyada oo ay ku xiran tahay wadanka dhibtaasi ay hortaalo, iyo nidaamka dowliga ah ee ka jira. Wadanka Holland oo ah kan ugu horeeya ee la magacaabo marka howlahan laga hadlayo, ayaa isagu go’aansaday kal hore in qofka gaara in uu xamili waayo cadaadiska nafsiga ah ee qabanaya, iyo xanuunka jirkiisa ka muuqda, loo fasaxo in uu client/rukun ka noqdo goobaha daawooyinka laga gato, maxaa yeelay qofkani waxaa gaaray stage/heer uusan u aabo yeeli doonin cidii baahidiisa hor istagta, kuna dagaalami doono wax alaale iyo wixii uu awoodo. Wadanka Denmark ayaa isagu arintaa ka duwan oo u arka in qofka la mariyo marxalado kala duwan oo afka wadankaasi lagu yiraahdo Afvævning” oo ah in qofka laga daaweeyo isticmaalka drugska” lana siiyo kaalmooyin dhinaca dadaalka ah si uu isaga u qaado mas’uuliyada ugu weyn ee naftiisu ku qasban tahay. Hadaan iminka usoo noqono qodobkii ahaa qaadka iyo faldambiyeedka uu sababo, ayaa waxaa uu ku imaan karaa siyaabo kala duwan oo ay ugu horeeyso deeymo batay oo lagu kala qaatay siyaabo kala duwan, waxaana badanaaba dhacda in dadka qaadka gada ayan aaminin Isticmaalaha, kharash lagu leeyahay oo is gaargaaray dartii, iyo wax is daba marin. Waxaa badanaaba dhacda in gruubka khaatka isticmaala ay iyaga dhexdooda wax kala amaahdaan, arintaana ay keento isku dhac iyo is jiid jiid joogta ah. Sida aanu in badan la kulanay waxaa badanaa dhacda in Qofka khaatka isticmaala uu raadiyo qof kale oo damiinta, waxaana badanaa la iska hubiyaa in damiintuhu uu yahay qof aanan qayilin, si loo aamino. Hadii qofka khaatka isticmaalo uu waayo cid damiinata, waxaa aanan shaki ku jirin in uu baadigoob ugu dhaqaaqi doono si kastaa oo uu ku heli karo kiiladaa khaatka ah ee maalinkaa taagan Inta badan dhalinta yar yar waxaa ay iyagu ku cunaan khaatkasocod iyo magaalo wareeg, waxaana kahatar u yihiin in ay ku dhacaan waxyaabo aanay markaa dareemeyn. Xilliyada ay socdaan ayaa u badan goor wadanka intiisa kale laga hooyday, goobaha furan markaana ay yihiin meelo lagu caweeyo, oo lagu isticmaalo tumasho iyo qamri, waxaana ay ku dhiiradaan in ay galaan, dhibkasta oo ka imaan karana ay ku dhaqaaqaan wixii naftoodu ku qanacsan tahay. Inta ay magaalada wareegayaan ayaa ay geeystaan dambiyo dhaawac ku ah sharafta shacabka somalida, kuwaa oo ay ku dhex sameeyaan Meel kastaa oo ay ishu qabaneeyso. Badankood dhalintaan waxaa ay xitaa maalinkii ku dhiiradaan foowdo iyo xishood la’aan, si ay waqtiga u gaarsiiyaan saacadii ay khaatka raadsan lahaayeen. ►DHINACA WAXBARASHADA IYO SHAQADAs Waxaa is weeydiin leh qofka khaatka cuna awooda uu u yeelan karo in uu kasbasho yeesho, oo uu kasbado aqoon iyo maaliyad uu naftiisa keyd uga dhigayo. Waxaa badanaa adkaata in khaat iyo labadan arimood ee kala ah Waxbarasho iyo Dhaqaale kasbasho in ay u baahan yihiin maskax fiyoow oo xisaabtanta, waqti katana xaadir ku ah meeshii loo jideeyo. Waxaa dadbadani ay qabaan in ay adagtahay, waana wax adag in qofka khaatka isticmaala uu dadaal aanan looga baran la yimaado, sababtuna waa Enviromentiga uu ku jiro oo ka hor istagaya in uu uga gudbo dhinac kale ooaanan aheyn halka naftu ay ku dareemeyso istareex iyo degenaan. Sida aanu wada ognahay dhammaan goobaha shaqada waxaa ka jira Stress iyo dhibsasho badan, waxaa dusha naga wada saaran mas’uuliyada iyo weliba Dul ka eeg nalagu hayo, waana wax u baahan faham ah in Dhaqanka goobaha shaqada yaala uu sidaa yahay. Gobbaha waxbarashada ay ka socdaan ayaa iyana intaa iyo in lamid ahi ay ka jiraan, waxaana intaa dheer in habeenkii oo dadka shaqeeyaa badankii ay danahooda gaarka ah qabsadaan uu ardaygu dheer yahay wax akhris iyo Information dheeraad ah raadin, waana howl aanan yareeyn ee u baahan moreConcentration iyo weliba in uu qofku ogyahay yaqaanana waxa uu ka hadlayo, si loo arko in uu waqti badan ku lumiyey, fahmayna. Khaatku waa kasoo horjeedka qodobada aanu kaga hadalnay sare oo ah MoreConcentration, and stress of working, waana waxa ay ka cararaan dadka khaatka cuna, oo ay maskaxdooda u seexiyaan. Dadka noocaan ah uma diyaar gareeysna in ay kaalimaha aanu ka hadleeyno soo galaan, weliba waxaa ay u arkayaan in ay tahay meel lagu dhibayo, ama shido ay iyagu lugahooda ku doonteen. Wax barashadu waxaa ay u baahan tahay in laga hadlo aqoon aadan laheyn sidii aad u gaari laheyd una fahmi laheyd “need to survive”, halka khaatka looga sheekeysto la isuguna jiibiyo dhibaatooyin soo qabsaday dadka qayilaya oo ay kasoo baxsadeen “survived group”. Goobaha Shaqada waxaa laga yaabaa in meelaha qaarkood laga dareemo dadaal dheeraad ah in ay geeystaan somalida shaqeeysa, oo mararka qaarkood la sheego in ayan daalin, balse waa been oo waxaa jira qayaamo lala beegsanayo, qofka qayila amaba markaa marqaansan oo aadka u shaqeeynaya, sababta oo ah qaadku ma aha wax usoo ura sida xashiishada ama alcoholka, wax kastaa oo saameyn si xun ugu yeesha maskaxda qofka noolaha ah xilliga uu shaqeeynayo waa mamnuuc lamana ogola, sida darteed waa ay u sahlan tahay madxa shaqaalahu in uu inkiro hadii lagu qabsado qof qayilsan oo shaqeeynaya. Waxaa dhinaca trafikada poliisku uu somalida ka eegaa afka si uu uhubsado in ay qayilsanyihiin iyo inkale, maadaama qalabka lagu baaro spiritus-ka uusan sheegeyn cadadka dhacaanka khaatka ee jirka wadaha baabuurka ku jira. Wadama qaarkood sida Khaatku ma aha mid laga jecel yahay meelkastaa oo lasoo hadal qaado, sababta keeneysa jeclaan la’aantana waa dhibaatada uu ku hayo horumarka bulshada. Mar hadii uu khaatku is hortaagay Horumarkii, Shaqadii, Tacliintii, Noloshii Qoyska, Barbaarintii Ubadka iyo Guurkii Fiicnaaba, culimadiina ay ku dareen maandooriyeyaasha la xaaraamtimeeyey, Wadamada reer galbeedkuna ay wadamadooda ka mamnuucen in lagu dhex kala gato, waxaa yaab leh tusaalaha dhiman ee cunidiisa looga tagi doono. Mahadsanidiin Dhibaatooyinka Caafimmadka ee Qaadka Dhibaatooyinka badan ee dhaqaale iyo bulsho ka sokow., waxuu qaadku si toosa iyo si dadbanba u keeni karaa caafimaad xumo wayn oo mid qof iyo mid bulshaba leh. 1-Qaadku waxuu mudo gaaban ku sababaa: · Hurdo la,aan · Cuno xumo · wuxuu badiyaa breesharka-dhiiga iyo wadne garaaca. · Waxuu keenaa gaastarig iyo calool xanuun · Waxuu keenaa caloosha oo qofka istaagta · Waxuu keenaa hilmaansho, wax ismoodsiin, wax u fiirsasho la,aan iyo shilal badan oo kale, oo qofka ku dhaca. 2-Qaadku waxuu waayo kadib keeni karaa: · Tabar yaraan iyo miisaanka oo hoos u dhac ( caatow) · Himo yari ama raganimo xumo · Nightmare(Dubaab) · Deperssion · Nervesism (xanaaq badan) · Waali (psychose) · Nadaafada qofka oo yaraata · Ilkaha oo qofka ka daata, iyo Afka oo ka jirado · Cagaarshow iyo beer xanuun Waxuu qaadku si dadban u keeni karaa ¯ Waxuu yareeyaa taxadarka qofka waxuuna sahlaa fidida cudurada, TB (feero xanuun), Tiifowga influenza Iyo kuwa kale oo badan. ¯ Qaadku waxuu yareeyaa taxadarka waxuuna sahlaa fidida cuduro khatara, sida Retro-virus. ¯ Qaadku waxuu badiyaa cabitaanka sigaarka taasoo keeni karta cudurada saabka(cancer). ¯ Waxuu badiyaa cabida cacola taasoo sahli karta Diabetiska (sonkorow) ¯ Waxaa qofka ku adkaata, shaqada iyo waxbarashada,waxuuna jecelyahay inuusan waxba qaban. ¯ Dadka qaadka cuna waxaa badanaa ku dhaca dhaqaala la,i, waayo waxay dhaqaale badan ku bixiyaan gadashada qaadka. ¯ Qaadku waxuu sababaa inuusan qofku taxadarin,islamarkaana qatar ugu jiro inuu qaadi karo cudurada isu taga lagu kala qaado. ¯ Waxaa dhici karta, inuu qofku si fudud u xadgudbo ama u galo denbiyo (kriminalit) hooyada qadka cunta, badanaa waxay dhashaa ilmo aan dhamayn. |
| |
|
|
..........................www.khatforebyggelse.dk E-mail: Kf@khatforebyggelse.dk |
|||